Daldeeq Media
LINKS

Notice: Use of undefined constant magic_quotes_active - assumed 'magic_quotes_active' in /home/daldeeqc/public_html/assets/includes/functions.php on line 0

Deprecated: Function mysql_numrows() is deprecated in /home/daldeeqc/public_html/assets/includes/functions.php on line 0
Damaca wahaabiyada iyo damanaanta shacabka

Sadix Guruub oo ku midoobay Gole loogu magacdaray Golaha Midnimada Qaranka Soomaliyeed Qurbo Joogta oo Shir ugu soo gaba gaboobay Sweden.
Sadixda Guruub oo kala ah isbaheysigii dib u xoreynta Casmara, haraadigii Xisul islaam iyo Qaybta sadixaad oo ah Qurbo joog looga shakisan yahay inay xariir laleeyihiin Alqaacido.


Magaalada Stockholm ee xarunta dalka Sweden ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir ay ka soo qeyb galeen shaqsiyaad Qurba joogta ah oo kakala yimid ilaa 8 dal oo ay qeyb ka tahay wadaka Soomaaliya.


Shir kaas ayaa waxaa lagu aas aasay gole ay ku mideysanyihiin Sadixda Guruub oo kala ah Casmara Guruub, Xisul islaam iyo qurba joogta dacwadu ku socoto waxaana markii kulanka uu soo gaba gaboobay laga soo saaray bayaan ku wajahan, waxyaabihii looga hadlay shir kaas.


Yaasiin Baynax Cali oo ka mid ah qaban qaabiyeeshii shir , ayaa faah faahin ka bixiyay shirkaasi, waxaana uu sheegay in shirkaasi ay ka soo qeyb galeen, tiro badan oo ka mid ah aqoonyahanada qurba joogta ah isagoo tilmaamay in halkaasi lagu dhisay gudi hogaamin doona golaha ay ku mideysanyihiin.


Golaha fulinta ayaa waxa uu sheegay in loo magacaabay Eng. Cumar Max’ed Max’uud (Aftooje) oo horay uga mid ahaa masuuliyiintii midowga Maxkamadaha, waxaana sidoo kale golaha dhexe loo magacaabay sakariye Xaaji Max’uud Cabdi oo isna ka mid ahaa masuuliyiinta isbaheysiga dib u xoreynta.



Yaasiin Baynax Cali ayaa sheegay in iyagu aysan aheeyn xisbi siyaasadeed balse waxa uu tilmaamay in ay yihiin golaha midnimada Qurba jooga Soomaaliyeed oo ay doonayaan in isbadal ay ku sameeyaan xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Hadaba maxuu yahay hadafka guruubadaan kumidoobay halka xisbi jawaabtu waa cadahay waxaa jira Qaacido layiraahdo Damaca wahaabiyada iyo damanaanta shacabka.


Waa ururadii horay ula baxay magacyada diiniga ah oo kudhamaaday taariikhda madow oo hada markale raba inay shaatiga badashaan ayaga oo sheeganaya magaca aqoonyahanada iyo Qurba joogta soomaaliyeed.


Ugu danbayn Waxaan shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan 5 qaaradood uga digaynaa damaaciga gaamurey ee wahaabiyada ku qaraabanayso.



Boga warakawww.daldeeq.com daldeeq@live.com

 
WAXBARASHO