Daldeeq Media
LINKS

Notice: Use of undefined constant magic_quotes_active - assumed 'magic_quotes_active' in /home/daldeeqc/public_html/assets/includes/functions.php on line 0

Deprecated: Function mysql_numrows() is deprecated in /home/daldeeqc/public_html/assets/includes/functions.php on line 0
Gudoomiyaha Gudiga Talada Ahlusunna Gobalada dhexe Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir Anaga Ahlusuna ahaan cid aan u dirnay ma jirto Shirka

Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sheegay in aysan qeyb ka ahayn Shirka Odayaasha dhaqanka ee ka furmay magaalada Muqdisho.

Kadib markii shalay magaalada Muqdisho uu ka furmay Shirka Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Ergada ansixinaysa dastuurka Soomaaliya ayaa Ahlu Sunna Waljamaaca waxa ay kasoo horjeesatay Shirkaasi.


Gudoomiyaha Golaha Talada Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir ayaa waxa uu sheegay in Shir weynihii shalay ka furmay magaalada Muqdisho in aysan cid uga qeyb gashay dhinacooda aysan jirin, isaga oo ka digay dhibaato ka dhalata Shirkaasi oo dadka ka qeybgalaya uu sheegay in loo soo xulay qaab siyaasadeed.


Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir ayaa waxa uu sheegay in hada ay go’aansadeen in ay magacaabaan Gudi kaasi oo uu sheegay in ay ka mid yihiin Odayaal ayna u gudbinayaan dowladda KMG Soomaaliya si ay uga qeyb galaan Shirka.


Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in gabi ahaan ay soo xaadireen Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo laga rabo 135 ruux xili ay jiraan dad siyaabo kala duwan uga soo horjeedo qaab loo soo xulay Odayaasha


Boga waraka www.daldeeq.com daldeeq@live.com

 
WAXBARASHO