|
Notice: Use of undefined constant magic_quotes_active - assumed 'magic_quotes_active' in /home/daldeeqc/public_html/assets/includes/functions.php on line 0
Deprecated: Function mysql_numrows() is deprecated in /home/daldeeqc/public_html/assets/includes/functions.php on line 0
Daah Furka Xisbiga Somali Progressive Labor Party
Friday November 20, 2015 - 23:58:32
Somali Progressive Labor Party Hordhac - Introduction Markii qowmiyad ama ummadi ay aqoonsato in burbur uu ku yimid qaranimadeeda iyo qaab-dhismaadka ummadnimo ee mujtamiceeda (fabric of the society), Markii qarnimadii, xoriyadii iyo midnimadii ay meesha ka sii baxayso;
Markii waddankii uu noqday bahalo galeen ay ka jilaabtaan argagixisada caalamka, iyo waddamada deriska ahi;
Markii ay hoggaaminta qaranka ay horboodeen dad aan ehel u ahayn kalana wayntahay danta guud tan khaaska ah; Markii qaranimadii (sovereignty and territorial integrity) shaki la geliyay ama (compromise) laga galo;
Markii halis ay gashay khatarna ay soo food saartay jiritaankii dadnimo iyo kii dowladnimo ee ummadda Soomaaliyeed;
Markii ummadda Soomaaliyeed soo martay burbur ku yimid haykalkii dowladeed iyo dowladdii dhexe oo meesha ka baxday muddo dheer oo dagaal sokeeye ah, colaad iyo dagaal qabali ah, kaas oo saamayn wayn ku yeeshay nolosha dhaqan –dhaqaale ee dhammaan ummadda Soomaaliyeed;
Markii ay qab-qablayaal/dagaal oogayaal ah, ganacsato dhiigmiirad ah, iyo siyaasiyiin huwan shaati qabil, iyo urur diimeedyo ku naaxay hantidii qaranka, ay afduubeen masiirkii dalka;
Markii aan aragnay urur diimeedyo argagixiso ah, oo u badalay diintii muqadaska ahayd aalad siyaasadeed oo lagu tabacdo dhaqaale iyo mansab.
Iyada oo laga duulayo arrimahaas kor kor xisan, waxaa waajib muqadas ku ah muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay gacmaha is-qabsaan, una halgamaan sidii ay u soo cesha lahaayeen xoriyadoodii iyo dhismaha udub-dhexaadkii jiritaankooda oo ah dowlad xor ah (sovereign state) ee ka samatabixisa dalka bohosha uu ku dhacay, iyo midda uu cadowgu la damacsan yahay.
Waxan maanta taaganahay waqtigaas oo kale, oo khatarta ku ah jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Soomaaliya waxay u baahan tahay dad muwaadiniin ah ee u halgama samata-bixinta qaranka Soomaaliyeed oo halis ugu jira in uu ka baxo khariidada caalamka. Waxaa hubaal ah in xuduudihii Soomaaliyeed dhul iyo badba ay u hanqaltaagayaan waddamada deriska ahi.
Waxaan ummadda Soomaaliyeed u soo bandhignay bishii April 13keedii 2012, si rasmi ahna u daah-furnay Xisbi cusub ee la magac baxay ‘xisbiga Hor-u-socoda shaqaalaha Soomaaliyeed (Somali Progressive Labor Party).
Waxaan halkaan idinku soo gudbinaynaa warbixin gaaban oo ku saabsan ujeedada iyo aragtida guud ee Xisbiga, waxaana rajaynaynaa in aan idiin soo bandhigi doono qaab-dhismaadkiisa iyo howlaha u ka damacsan yahay Xisbigu in uu ku badbaadiyo qaranka Soomaaliyeed.
Aragti (Vision) Xaqiijinta iyo ka baara degga bulsho demoqradii ah oo wax qabad leh kuna salaysan hab dhaqan/dhaqaale ku dhisan horumar iyo caddaalad. In la helo qaran matali kara soona celi kara sumcaddii iyo sharafta Ummadda Soomaaliyeed ku lahayd masraxa aduunka. HIMILO (mission)
Xisbiga Hor-u-socodka Shaqaalaha Soomaaliyeed (Somali Progressive Labor Party) waa xisbi siyaasadiisu ku dhisan tahay dhaqdhaqaaq bulsho oo ay hoggaaminayso Shaqaalaha waynta Soomaaliyeed si waddanku uusan ugu dhicin burbur iyo boholo danbe.
Xisbiga Hor-usocoda Shaqaalaha Soomaaliyeed waxaa ka mid ah himilooyinkiisa in uu xoojiyo awoodda qof ahaaneed iyo Aqoonta hay’adeed ee shaqada iyo shaqaalaha Soomaaliyeed. Xisbigu wuxuu aaminsan yahay In shaqadu ay tahay sharaf, qofka shaqaalaha ahna uu mudan yahay in la dhowro xuquuqdiisa xagga shaqada, caafimaadkiisa iyo wax alla wax kasta oo qeexaya xuquuqda shaqaalaha ee sharciga shaqaalaha. Xisbigu wuxuu kalo u halgamayaa in uu taageero buuxda siiyo ururada shaqalaha (Tade Unions) si ay u helaan dhammaan xuquuqdooda dhanka mushaarka, caafimaadka, howl-gabka iwm.
Xisbigu wuxuu u halgamayaa in shaqaalaha ay helaan hishiis wadareed (Collective Agreement) oo ka dhexeeya dhammaan shaqaalaha iyo ururada shaqaalaha (Trade Unions).
Xisbigu wuxuu kaloo u halgamayaa in la dabaqo sharciga ka hortagga midab kala soca shaqada ee shaqaalaha (Anti-labor discrimination laws), sida maatada (functional disabilities), dumarka iyo nuuc kasta oo ku dhisan kala sooc xagga shaqada ah.
Xisbugu wuxuu horseed u yahay dhisidda bulsho ku dhisan wada hadal iyo is-afgarad. Waxaan aaminsan nahay in la helo ama la abuuro dhaqan ku dhisan dimoqoraadiyad, wadajir iyo daahfurnaan, taasina ay noqoto midda keliya ee lagu gaari karo sinnaan iyo caddaalad waafi ee ka hana qaadda dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Mayal (committment) in aan u halganno sidii aan u soo celi lahayn sumcaddii iyo sharafta qaranka Soomaaliyeed. Waxaa naga go’an in la helo dowlad dhexe ee ku dhisan sinnaan iyo caddaalad. In la helo dowlad caadil ah ee la shaqayn karta caalamka, hormuudna u ah dhaqanka nabadeed (cultural peace) , dimoqoraadiyad iyo horumar dhaqaale, iyo dhaqan siyaasadeed (political culture) ee dhammaystiran.. Ujeedooyinka.
1) In laga badbaadiyo Ummadda Soomaaliyeed qab-qable dagaal-ooge ah (warlords), musuqmaasuqa aan dawada lahayn ee soo jireenka noqday (incurable corruption), iyo ku danaysi qabiil iyo xukun xag-jirnimo, iyo in la dhiso dowlad xalaal ah oo leh hogaamin ku dhisan mabda’ (Principled Leadership) oo leh aqoon hufan kana gudbin karta dadka Soomaaliyeed caqabadaha iyo dhibaatooyinka ku gudban sida, hawlaha dib u dhiska, maaraynta iyo midka idaariga ah intaba.
2) Dib u dhiska nidaam guud oo xushmeeya isla xisaabtan (Accountability), hufnaan (Transparancy) si maaraynta iyo maamulka guud u noqdo mud hufan oo la heli karo tixraaciisa. 3) In la xaqiijiyo lana baaro (background check) qofka mas’uulka noqonayaa uuna yeesho astama wadaninimo, mid hoggaamin, iyo mid aqooneed intaba. Si loo dhowro sharafta iyo madax-bannaanida qaranka Soomaaliyeed.
, 4) In dib u habayn lagu suubiyo caddaaladda oo ah udub-dhexaadka ummad kasta, lana soo celiyo sharcigii u degsana dalka iyadoo asal ay u tahay shareecadeena Islaamka ee muqadaska ah (Source of Laws). Taasi waxay horsed u noqonaysaa in xal loo helo wax alla wixiii hanti la iska dhacay, lala xisaabtamo dadkii hantida qaranka dhacay iyo danbilayaashii xasuuqay dadka maatada ah. Si kama danbays loo helo iscafis taam ah oo buuxa, iyo dib-u-hishiin dhammaystiran.
Mabaadida guud (General Principles) 1) Xisbigu wuxuu ballan ku qaadayaa in uu ilaaliyo una halgamo midnimada iyo madax bannaanida Qaranka Soomaaliyeed. 2) Xisbigu wuxuu ballan ku qaadayaa in la dhowro sharafta muwaadinka Soomaaliyeed iyo ciribtirka mid ka toorka iyo isir-nacaybka iyo wax alla wixii ku dhisan dhaqan Ku dhisan qabyaalad. 3) Xisbigu wuxuu ballan qaadaya in wax kasta oo khilaafaad ah lagu xaliyo nabad iyo wadahadal (any conflict should be resolved by peaceful means), dadkana lagu wacyi galiyo in khilaafaadka aan xoog loo adeegsan.
4) Xisbigu wuxuu ballan qaadayaa in la helo dowlad dimoqraatik iyo isla xisaabtan leh. 5) Xisbigu wuxuu ballan qaadayaa in la dhowro xorriyadda xuquuqda asaasiga ah ee ay ka mid tahay xornimo qofeed, mid urur, iyo dhammaan xuquuqda qofka muwaadinka ah.
6) Xisbigu wuxuu ballan qaadayaa dhismo awoodda hoggaamineed ee ku imaanaysa qaab xisbiyeed (Multi-party democratic pluralism) loona tartamo hoggaanka dalka, iyadoo waddanka lagu soo celinayo habkii dowladda dhexe (Centralized governance).
7) Xisbigu wuxuu u arkaa qaabka Federaalismka inu uu yahay hab aan lagu dabaqi karin ummadda Soomaaliyeed waayo, Soomaaliya waa dad isku diin ah, isku af ah, isku asal ah iyo isku dhaqan ah (homogeneous society). Federaalismku wuxuu kaloo horseed u noqon karaa in dib u soo noqodo dagaalkii sokeeye..
8) Xisbigu wuxuu ballan qaadayaa in la helo garsoor madax bannaan oo caadil ah
9) Xisbigu wuxuu ballan qaadayaa in la helo nidaam shaqaale qaran lagu soo xulan karo oo leh xushmo,mudnaan iyo aqoon una madax bannaan wax qabadka howl-maalmeedkooda
10) Xisbigu wuxuu ballan qaadaya in khayraadka dabiiciga ah ee waddanka si habsami ah looga faa’iidaysto. 11) Xisbigu wuxuu ballan qaadaya mabaadiída nabad kuwada noolaasho (Peaceful coexistence) waddamada deriska ah iyo dhammaan caalamka.
12). Xisbigu wuxuu ballan qaadayaa in dib u habayn lagyu suubiyo dastuurka dalka (constitutional reform), inta laga gaarayana in dalka lagu maamulo dastuurkii 1960 kaas oo ummadda Soomaaliyeed ay afti guud (general referendum) ku ansixiyeen.
13) Xisbigu wuxuu ballan qaadayaa in la dhiso ciidan qaran (National Army) si loo dhowro jiritaanka qaranka Soomaaliyeed.
14). Xisbigu wuxuu ballan qaadayaa in uu ka hor yimaado, una halgamo wax alla wixii sabab (cause) u ahaa dagaalkii sokeeye oo ay ka mid tahay 18-ka gobol iyo 92 da degmo oo ah sadbursi, loogu danaynayay qabaa’ilo gaar ah.
15) Xisbigu wuxuu aaminsan yahay in xildhibaanada laga soo xulo 8da gobol ee waddanku lahaa ayadoo la raacayo habka (caucus) ah, inta laga gaarayo in Ummadda Soomaaliyeed la tiriyo dib u habaynna loogu suubiyo dastuurka Ummadda Soomaaliyeed.
Wa billaahi-towfiiq Dr. Khalif M. Duale Chairman, Somali Progressive Labor Party
|
|