Daldeeq Media
LINKS

Notice: Use of undefined constant magic_quotes_active - assumed 'magic_quotes_active' in /home/daldeeqc/public_html/assets/includes/functions.php on line 0

Deprecated: Function mysql_numrows() is deprecated in /home/daldeeqc/public_html/assets/includes/functions.php on line 0
Xiriirka Soomaaliye iyo Shiinaha oo Xumaaday Sababta Aqriso





Sida warbixinta Caasimadda Online ay qortay, idaacadaha qaarkoodna ay soo tabiyeen, waxaa si lama filaan ah u xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo dowladda Shiinaha, kaas oo gaaray meeshii ugu xumayd markii waraaq been abuur ah (forged documents) ay safaaradda Soomaaliyeed ee Shiinaha ee Peking u gudbisay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee shinaha, warqad been abuur ah oo ku socota Madaxwaynaha Shiinaha Mr. Xi Jinping.

Warqadda been abuurka ah waxay ku saabsanayd codsi uu madaxwaynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud uu ka codsanayo Dowladda Shinaha wax wada qabsi ballaaran oo ku sabsan dhinacyada Kallumaysiga, Beeraha iyo maal-gelin dhinacyo badan, iyo in dowladda Soomaaliya u ballan qaaday in ay siinayso dowladda Shiinaha dhul-beereed balaaran oo aan qiyaastiisa la xadadi karin.

Sida ku cad warqadda been abuurka ah, waxaa ka muuqata oo lagu qoray af ka baxsan anshaxa diblomaasiyeed iyo luqad af-ingiriisi ah oo ja-jab iyo jacbur ah, oo hareer marsan terminolojiyada habka Madaxda adduunku ay wax isugu qoran oo aad la yaabaysid marka aad akhrisid. Waxaa warqadda qoray qof aan garanayn luqadda ingriiska ah, oo aad la yaabaysid marka aad akhrisid.

Waxaa kaloo la yaab noqotay in Safiirkii iyo mas’uulkii qoray warqadda (Note-verbal-ka) iyo midda been abuurka oo ah, Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliyeed ee Shiinaha, ay meel kaga dhaceen sharaftii Madaxda Qaranka. Xoghayaha Koowaad iyo dadkii la ogaaba, oo sida wararka lagu helayo uu ka mid yahay Safiirku ay meel uga dheceen sharaftii iyo sumcadii ay xambaarsaneed Safaaraddu.

Safaaraddu waxay xambaarsan tahay ama huwan tahay sharafka qaranka Soomaaliyeed. Waxaa arrintaan oo kale lagu tilmaamaami karaa in ay tahay ‘diplomatic incident’ oo u horseedi karta in uu xumaado xiriirka u dhexeeya labada waddan oo muddo dheer soo socday.

Arrintaan waxay meel xun taktay markii Safiirka Soomaaliya u fadhiya Waddanka Shiinaha laga wacay Waaxda Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shinaha, laguna wargaliyay in dowladda shiinuhu ay joojisay deeqihii waxbarasho iyo wax allaale wixii mashaaric ahaa ee ay ka qaban lahaayeen soomaliya, inta wax laga qabanayo warqaddii been abuurka ahayd iyo lacagtii malaayiinta dollar ahayd ee loogu tala galay in wax looga qabto howl-fududaynta shaqooyinka hay’adaha dowladda Soomaaliya oo wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Mr. Bayle uu si is-dabamarin ah u isticmaalay.
Safaaraddu ma ahan meel been abuur iyo foorjari lagu suubiyo, ma ahan meel ay joogaan dalaaleey (Brokers), Safaaraddu waxay huwan tahay xasaanadda, mudnaanta iyo sharafka qaranka Soomaaliyeed. Qofka suubiya foorjari waa danbile ku xusan Xeerka Cigaabta Soomaliyeed (Somali Penal Code), taas oo ciqaabta sii kordhinaysa marka foorjarigu yahay been-abuur dokumenti dowladeed, ama ku lug leh waraaqaha rasmiga ah ee Dowladda (Official letters). Arrintaan waa danbi culus (indictable crime) loona baahan yahay in Dowladda Soomaliya ay tilaabadii ku habboon ka qaadato, khaasatan Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Sida ku xusan Vienna Convention on Diplomatic immunity.
Qofka diplomaasiga ah laguma xadgudbi karo, lama xiri karo, wuxuu leeyahay xasaanad ka hor-istaagaysa in la marsiiyo xeerarka ciqaabta ee waddanka uu wakiilka ka yahay (Art. 29, Vienna Convention on diplomatic Relation 1961). Xasaanadda macnaheedu waxay tahay in aad ka haysato xasaanad(Protection or exemption from something, especially an obligation or penalty).. shuruucda iyo xeerarka ku qoran Hishiiskii Vienna ee 1961. Fadlan akhriya sida ku xusan Vienna Convention on Diplomatic Relations 1961, iyo shuruudaha laga rabo in uu fuliyo qofka noqonaya in diplomaasi uu noqdo, xasaanadda iyo mudnaanta uu leeyahay asaga iyo dhammaan familigiisa. Ma ahan in lagu xadgudbo, xasaanadaas iyo mudnaantaas lagu siiyay (Immunity and Privilage) dowrtina sharafta iyo sumcadda qaranka aad mas’uulka ka tahay.

CRIMINAL OFFENSES AND PERSONAL IMMUNITIES 39. The person of a diplomatic agent is inviolable and he may not be arrested or detained (Article 29, Vienna Convention on Diplomatic Relations). A diplomatic agent is immune from the criminal jurisdiction of the receiving State, and immune from the civil and administrative jurisdiction save in certain specified cases (Article 39). He is further exempt from local taxes (Article 34). These privileges and immunities are extended to the members of his family forming part of his household, provided that they are not nationals of the receiving State (Article 37). The same privileges and immunities are extended to the members of the administrative and technical staffs of the mission, with the same provisions for their families. The only difference is that immunity from civil and administrative jurisdiction will only be in respect of acts performed within the course of their duties. 42. All persons enjoying privileges and immunities under the Convention (or similar conventions applicable to consular staff or staff of international organisations) are under a duty to respect the laws and regulations of the receiving State, and not to interfere in its internal affairs (Article 41). That a diplomat is indeed bound by the laws of the receiving State is underlined by the provision of Article 31(1) that his immunity does not exempt him from the jurisdiction of the sending State. At the same time, it is not correct that when a diplomat violates this duty he loses his immunity. A person is guilty of forgery if he makes a false instrument, with the intention that he or another shall use it to induce somebody to accept it as genuine, and by reason of so accepting it to do or not to do some act to his own or any other person’s prejudice.

Sida kor ku xusan, Dowladda Soomaaliya waa in ay si deg-deg ah u magacowdo gudi baara (an inquiry committee) oo ka baaraan dega xaqiiqada iyo gabood falka lagu hayo qaranka soomaaliyeed ee ka socda safaaradda Soomaaliya ee shiinaha, si daah-furanna (transparent) ah u baara meeshii ay martay lacagti loogu tala galay in lagu dhiso qaranka Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliyeed, khaasatan Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya waxaan ka codsanaynaa in ay ka joojiyaan shaqada mas’uuliyiintaas galay fal-danbiyaadka, kana codsadaan dowladda Shinaha in ka dhigto ‘Persona non-grata). Dowladda Soomaliya ma matali karo qof fal-danbiyeedkaas oo kale galay. Fadlan ha la dhowro sumcadda iyo sharafta qaranka Soomaaliyeed.

Wa-billaahi Towfiiq
Former Members of Somali Foreign Service

 
WAXBARASHO