Notice: Use of undefined constant magic_quotes_active - assumed 'magic_quotes_active' in /home/daldeeqc/public_html/assets/includes/functions.php on line 0

Deprecated: Function mysql_numrows() is deprecated in /home/daldeeqc/public_html/assets/includes/functions.php on line 0
Masaajida Sweden oo Baasaasnimo lagu sameeyay iyo Aqoon xumidda Imaamda Maasaajida.

Masaajida Sweden oo Baasaasnimo lagu sameeyay
iyo Aqoon xumidda Imaamda Maasaajida.
Telefishinka Sweden SVT oo Basaaseen Kaamaro qarsoon wadata udiray Masaajida kuyaala Sweden oo kadiyaariyay barnaamijk lagu magacaabo Uppdrag granskning.
Labo haween ah ayaa waxaa loo soo galiyay niqaab iyagoo lagu xiray kaamiro qarsoon. Haweenkaan ayaa booqasho ku tagay 10 masaajid si ay ula kulmaan imaamyada masaajida una weydiiyaan talooyin ku saabsan arimaha qoyska. Ujeedada ayaa ahayd in la ogaado waxyaabaha ay aaminsanyihiin imaamyada. Arintaan ayaa keentay fadeexad in imaamyada qaar ay hadalo kala duwan yiraahdaan markii ay haweenka la kulmeen iyo marka ay dadka kale la kulmayaan.
Su’aalaha haweenkaan ay weydiiyeen imaamyada Masaajida
1:Mala ogalyahay in nikaygu guursado hal naag ka badan guursado?
2:Haddii ninkeyga uu gacanta ii qaado booliska maku dacweyn karaa?
3: Haddii aanan diyaar ahayn ninkeyga maka diidi karaa galmada?
Sadex daan Su:aalood oo ah mid uu san ogalayn kana mid ah sharciyada macuuca ka ah Sweden ayaa la doonayay in labaaro imaamyada Masaajida inay raacsan yihiin sharciga Sweden iyo
inkale:
Waxay uga jawaabeen sidaan 6 ka mid ah imaamyada ayaa kula taliyay haweenka in aysan booliska ku dacweyn ninkooda xitaa haddii uu gacanta u qaaday. 2 imaam ayaa si cad ugu amray haweenka in ay dacweyaan ragooda. Sidoo kale 6 imaamyada ka mid ah ayaa kula taliyay haweenka in ay la seexdaan ninkooda xitaa haddii aysan dooneyn. 9 ka mid ah imaamyada ayaa u sheegay haweenka in raggu ay xaq u leeyihiin in ay guursadaan hal dumar ka badan, iyadoo ay ogyihiin in sharciga Sweden uusan ogoleyn in hal dumar ah ka badan lagu guursado wadankaan. 1 imaam ayaa u sheegay haweenka in uusan ninkooda guursan karin haween kale maadaama uu Sweden ku noolyahay oo la doonayo in uu raaco sharciga wadanka.
Arinta ceebta ah ayaa ah in markii ay wariyaasha ka socda ”Uppdrag granskning” ku laabteen labo ka mid ah Masaajida laga duubay kaamirada qarsoon isla markaana wax laga waydiiyay isla suaalihii ay uga jawaabeen si ka duwan sidii ay dumarka ugu sheegeen. Gudoonka masaajidka Uppsala ayaa telefishinka u sheegay in imaamka haweenka talada siiyay uu ka hadlay fikradiisa balse aysan ahayn arin Islaamku fasaxayo arimaha uu ka hadlay.
Maamulka Masaajidka ugu weyn Stockholm ee ku yaala Medborgarplatsen ayaa markii loo bandhigay kaamirada laga duubay ninka u qaabilsan arimaha qoyska oo haweenka kula talinaya in aysan booliska ku dacweyn ninkooda oo gacanta u qaaday, isla markaana ay okey tahay in uu ninkoodu haween kale guursado ayaa maamulka Masaajidku go’aan ku gaareen in shaqada laga cayriyo imaamka.
Arintaan lagu sameeyay Masaajida ayaa ah shirqool loogu tala galay nin lagu magac dilo Muslimiinta iyo Islaamka balse waxaa uu muuqada in imaamyada ka hawl gala Masaajida ay ku dheceen shirqoolka iyaga oo hadalo isqilaafsan u sheegay saxaafada iyo haweenka basaasiinta ah. Imaamyada qaarkood ayaa hadalkooda laga dheehan karaa in ay been u sheegayaan dadka qaar, arintaas oo ceeb ku ah dadka hogaanka u haya Muslimiinta
.

Boga warakawww.daldeeq.com daldeeq@live.com